Daawo:Gudoomiye Cumar filish oo ka qayb galay bananbax lagu taageerayo Madaxwayne farmaajo

bananban

Banaanbax si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay ka qayb galeen qaybaha kaladuwan ee Bulshada Gobolka Banaadir iyo Mas’uuliyiin  kala duwan oo isugu jiray Xildhibaanno,  Wasiirro iyo Mas’uuliyiinta ugu sarreysa Gobolka Banaadir ayaa ka dhacay Taalada Daljirka Daahsoon ee Magaalada Muqdisho.

Bannaanbaxa oo si weyn looga dareemay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa si weyn loogu taageeray Go’aankii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed farmaajo uu ku saxiixay 13-ka kursi ee Gobolka Banaadir uu ku yeelan doono Golaha Aqalka sare , waxaana Goobta Bananbaxa ka dhacay ka hadlay masuuliyiin ay kamid yihiin Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish iyo xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.