Sawiro:Madaxweynaha Laftagareen oo saraakiisha amniga kala hadlay sidii loo furi lahaa wadooyinka xiran

laftagareen

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa kulan diirada lagu saarayey Dar-Dar gelinta Xaqiijinta Amniga iyo Dib ufurida Wadooyinka ay xireen Al-Shabaab ee Gobolka Bakool waxa uu la qaatay Sarakiisha Laamaha Amniga.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ayaa laamaha amaanka kala hadlay sidii shacabka ku dhaqan degmooyinka Gobolka Bakool looga xureyn lahaa Maleeshiyaadka Al-shabaab ee ku haayo culeyska faraha badan iyo kala go’doominta degmooyinka Gobolka Bakool.

Taliyaha qeybta 60aad ee Ciidmada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in laamaha Amniga oo garabsanayo shacabka ku dhaqan Gobolka Bakool  ay bilaabi doonaan dagaal ka dhan ah kooxda aragagixasada ah ee Al-shabaab.Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ayaa wado dadaalo uu ku doonayo in uu kooxda Al-shabaab kaga xureeyo deegaanada hoosyimaado Gobolka Bakool oo ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolkaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.