Jaaliyada Maraykanka oo looga mhadceliyey dhismaha hoolka Jaamacada Gedo

Jamacad Gedo

Mu’asasada Alrahmah Foundation for Education and development waxay u mahadnaqaysaa walaalaha jaaliyadda USA gaar ahaan Columbus Ohio, jaaliyadda Indiana iyo Nashville oo dusha saartay dhisidda hoolka Gedo International University hoolka jaamacadda oo lagu qiimeeyay lacag dhan 82 kun oo doolar ayaa dhismihiisa laga bilaabay xarunta jaamacadda, hoolka ayaa noqon doona hool wayn oo loogu talagalay in barnaamijta muhimka ah jaamacadda ay ku qabsato, waxaana hoolkaa uu noqon doonaa hoolkii ugu horeeyay ee noociisa oo kale ah oo laga dhiso magaalada Balad Xaawo insha Allah

Lacagta badankeeda waxaa bixiyay jaaliyadda Columbos Ohio oo aysan ahayn markii ugu horaysay ee barnaamijta dhismaha jaamacadda ka qayb qaataan, waxayna hoolka kaga qaybqaateen 73kun iyo shan boqol oo doolar, Indiana ayaa kaga qayb qaadatay 5kun oo doolar halka jaaliyadda Nashville ay bixisay 3500 doolar.

Waxaa loogu sameeyay xarunta jaamacadda ee Balad Xaawo jaaliyadahaa reer Mareekan barnaamij duco iyo mahad naq ah, waxaana ka soo qayb galay barnaamijkaa odayaasha magaalada, aqoonyahanka, dhalinyarada, qurba joog, maamulka jaamacadda iyo mas’uuliyiintii Alrahmah ee booqashada ku joogay magaalada.

Runtii waa barnaamij aad u qiima badan oo mudan in jaaliyadaha kalena kaga daydaan, waxaan mahad balaaran u celinayaa mar kale jaaliyadaha Mareekanka ee qaybtaa qiima leh qaatay, Allahna waxaan u waydiinaynaa in miisaanka xasanaadka in Allah uu ugu daro waxay jecelyihiin oo wanaag aduun iyo aakhirana Allah in uu siiyo, Ilaahyoow awlaadooda iyo naftoodaba u ilaali.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.