Sawiro:Wasiirka Jamaal oo qaabilay danjiraha Qatar u fadhiya Soomaaliya

jamaal

Wasiirka wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Mudane Hassan Hamza.

Wasiir Jamaal iyo Danjire Hassan Hamza, ayaa ka wadda hadlay sidii loo xoojin lahaa xariirka iskaashi ee labada wadan ka dhaxeeya.

Kulanka ayaa waxaa Sidoo kale, looga hadlay arrimaha mashaariicda sidii loo dar-dar galin lahaa tasoo muhiimad weyn u leh dalkeena Soomaaliya, agaasimaha guud ee wasaarada qorsheynta qaranka Mudane Cabdulqaadir Maxamed Aadan ayaa goobjoog ahaa kulankaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.