Faroole oo Puntland u Balanqaaday inay Sacir bararka ka baxayaan Dhawaan

faroole

Guddiga Madaxweynaha Maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, u saaray Arrimaha Sicirka Sarifka oo uu hogaaminaayey Madaxwaynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Maxamuud Faroole ayaa soo saaray qodobo dhowr ah oo hadii la qaato Puntland ku barwaaqoobays.

1: In cashuurta Dekadda lagu qabto 20% Shillin Soomaali

.2: In mushaharka shaqaalaha lagu siiyo 20% Shillin Soomaali.

3:In Adeegyada Lacagta mobile-ka (Sahal iyo E-Dahab) sidoodii lagu celiyo.

4: Sariflayaasha waa inay ruqsad haystaan.

5: In cashuuraha Dowladdaha hoose Shillin Soomaali lagu qaado.

6: In Sarifka uu jaangoynayo lana soconayo Bangiga Dowladdu.

7: In Kalsoonida isticmaalka Shillin Soomaaliga ay kawada shaqeynayaan Dowladda iyo Ganacsatada.

8: In Lacagaha ku badan Suuqa ee Shillin Soomaaliga ah lagu xereeyo Bangiga Dowladda, iyo in la mamnuucay lacag Loo kala raro Gobolada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.