Daawo:Ra’iisalwasaare Rooble oo Faray wasaaradaha dowlada inay dardar galiyaan hawlaha Doorashada dalka

Rooble

 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kormeeray xarumaha wasaaradaha Caafimaadka, Warfaafinta ,Dhaqanka iyo Dalxiiska, Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Biyaha iyo Tamarta, Kallaameysiga iyo Khayraadka Badda  iyo xarunta Warbaahinta Qaranka.


Kormeerka ayaa qayb ka ahaa hawllaha kor-joogteynta ee lagu la socdo shaqooyinka wasaaradaha xukuumadda iyo hey’adaha kale ee dowladda, qorshahaas oo ku salaysan isla xisaabtan, hufnaan iyo daah-furnaan, si mar walba loola socdo hadba horumarrada la gaaray iyo dar-dar gelinta howllaha hor-tebinta leh ee hay’adaha dowladda u yaal oo ugu horeyso dardargalinta arimaha doorashada.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xarumaha wasaaradaha uu booqday kulamo kula qaatay wasiirrada iyo wasiir ku-xigeennada, waxa uuna wasiir walba ka xog-waraystay qorshayaashii u degsanaa iyo soo gudbinta barnaamijka Xukuumadda ee boqolka maalmood ee ay kala saxiixdeen Ra’iisul Wasaaraha iyo golihiisa Wasiirrada.

Xarumaha  Warbaahinta Qaranka oo kormeeray Ra’iisul Wasaaruhu ayuu ku boggaadiyey shaqaalaha iyo maamulkooda howllaha muhiimka ah ee bulshada Soomaaliyeed u hayaan ee la xariirta  wargelinta, wacyi-gelinta iyo isku xirka dowlada iyo shacabka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.