Axmed Madoobe oo Shir gudoomiyey shirkii wasiirka jubbaland

axmedmadoobe

Shirka Golaha Xukuumada Jubbaland oo uu maanta Shir gudoominayey Madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta ka qabsoomey hoolka madaxtooyada Jubbaland ee magaalada Kismaayo.

Axmed madoobe ayaa ugu horeyn Golaha uga warbixiyey Shirarkii Garowe ee xalka loogu raadinayey xaalada Siyaasadeed ee Dalka, gaar ahaan arrimaha Doorashooyinka oo meel xasaasi ah xiligan maraya iyo sidookale kulamadii uu madaxweynuhu la qaatey Midowga Musharaxiinta iyo ka qeybgalkiisii Shirkii aragti wadaaga ee Heritage, kuwaas uu Madaxweynuhu sheegay inay kusoo aadeen waqti loo baahnaa natiijo miro dhal ahna ay kasoo baxdey.

Warbixinta Madaxweynaha kadib Wasaarada Ganacsiga ayaa soo gudbisey Xeerar ay nuquladooda la wadaagtey Golaha kuwaas akhrintooda kadib todobaadka danbe golaha lagaga doodi doono.

Xeerarka ay wasaaradu soo gudbisey waxaa kamid ah :1- Xeerka Maalgashiga Dowlada Jubbaland.2- Xeerka Shatiyada Ganacsiyada JubbalandSidookale wasaarada Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Jubbaland ayaa golaha u soo gudbisey nuqulada Sharciga Isgaarsiinta ee Dowlada Jubbaland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.