Deni oo kala Diray Golihii degaanka ee Gaalkacyo

deni

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr – 02, ku magacaabay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Gaalkacyo.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay:

Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 80-aad Markuu arkay:

aqoontooda iyo waayo aragnimadooda shaqoMarkuu tixgeliyey:

talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland Wuxuu xeeriyey :-

1. Waxaa Maxamuud Cabdinuur Aadan loo magacaabay Guddoomiye kumeel-gaar ah ee Degmada Gaalkacyo

2. Waxaa Shaafici Cabdullaahi Xaashi loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeen kumeel-gaarka ah ee Degmada Gaalkacyo

3. Xeerkan wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.