Yaa Ka Garnaqaaya Madaxda Soomaaliya iyo Mucaaradka Xaldiidka ah W/Q Dhiblaawe

khayre

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa (KOR WAAYEEL WAA WADA INDHO) , waxaan ula jeedaa qof kasta oo u damqanaya Soomaalinimada, xaajada doorashada Meesha ay ka murugsan tahay ama ka socon la’dahay ma garan waayin aniga oo oday Dhiblaawe ah oo ku nool dalka Ingiriiska laba labayn mayo halka xaajadu iska qaban la’dahay oo waxaan ku ra’yi dhiibanayaa koox qandaraaska ku soo qaatay laba waxyaalood baa doorshadu ka socon la’dahay oo kala ah:-  

1-IN AAN DALKA SOOMAALIYA DOORASHO KA DHICIN INTA FARMAAJO WAQTIGU KA DHAMMAANAAYO.

2-IN AY DALKA GELIYAAN MARKA WAQTIGU KA DHAMMAADO MR. FARMAAJO QALALAASO SIYAASADEED IYO DAGAALO QABYAALADEYSAN.

Haddaba akhristayaal labadaan qodob waxaa kooxdaan gardiidka ah u soo dhiibey dawlado shisheeye oo aan wada garan karno oo ah ramuudka tiifiiyada lagu hago ka dhigtay kooxda gardiidka ah aan sababeeyo maadaama aan isicmaalay ereyga gardiidayaal:-

1-Madaxweyne Farmaajo wuxuu diyaariyey doorasho qof iyo cod ah waana tii lagu go’aamiyey Baydhabo, oo ay diyaariyeen Gudigii Xaliima Yareey isla markaasna ay ansixiyeen labada gole ee shrcidejinta midaas kadib waxay isteegeen in gudiga doorashada ee Xaliima Yareey la kala diro doorasho qof iyo cod ahna laga tanaasulo, ayyaga oo sabab uga dhigay suurtagal maaha ee Madaxweyne Farmaajo baa diyaarsaday qaab uu ku soo noqdo.

2-Waxaa laysugu tegey Samareed kow(1) oo ay wakiiladii kooxdaan ka joogay soo jeediyeen in laga guuro qof iyo cod waana laga aqbalay, ayada oo toodii la qaatay in la aado Doorasho dadban oo la deegaameeyo ayna codeeyaan 301 qof waydiideen oo waxay dheheen waa farsamo kale oo Mr, Farmaajo ku soo noqonaayo.

3-Mar kale waxaa laysugu soo noqday Samareeb labo(2) waxay codsadeen in ayyan suurtagal ahayn deegaameeyn iyo 301 qof oo  codeeya maadaama Farmaajo rabo in uu soo noqdo.

4-Mar afraad waxaa laysugu yimid  Muqdishow waxaana laga codsaday waa laydiin tanaasuley ee bal xal kama denbeysa keena,waxayna soo jeediyeen 101 qof iyo laba deegaan doorasho oo ayyagu ay soo magacaabeen waana loo  tanaasuley, madaxweyne Farmaajo wuxuu sameeyey shirjaraa’id oo ay joogeen wakiilada mucaaradka Puntiland iyo Jubalaand shacbigana marqaati uga dhigay in uu goobtii afraad oo danta dalka u tanaasuley oo ku saxiixaayo wixii ay isku raaceen maamulada Goboladu isla markiiba waa la diidey.

5-Mucaaradku waxay abaabuleen shirkii garoowe oo magaca la siiyey kooxda Heritayge dawladana lagu macsuumey waxaana madaxweyne qoor qoorka Galmudug oo intaas oo tilaabo ahaa oday xaldoon ah ahaa iyo wakiiladii dawladu codsadeen in wixii tabashaa oo suurtagelin kara in doorashadu socoto warqad ku soo qortaan aan horgeyno madaxda sare dalkee, marshanaad waa loo tanaasuley ayyaga oo aan maleyneeyn waxayna talo uga cadaatay in ay aamusaan, waana tii dhalisey in dawladu qaadato tilaabo lagu socodsiiyo doorashada.

Haddaba sanadkaan koobkii nabadeynta, midnimada , Soomaalinimada iyo heshiisiinta waxaan anigu siiyey walaalkay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (QQOR QQOR),waan u ducaynayaa ee waxaan idinka codsanayaa iila duceeye adduun iyo aakhiraba meel san Alle ha mariyo.

Intaas kadib waxaan idiin sheegayaa sodonkii sano ee la soo dhaafay qofka lagu arko dadnimo ,Soomaalinimo  iyo wadaniyad cadawga dadka iyo dalka Soomaaliyeed dil baa ugu qoran waana waxa lagu bartilmaameedsanaayo Madaxweyne Farmaajo, laakiin waxaan idin ogeysiinayaa in hadda farmaajo horti la qorsheeyey in la khaarajiyo QOOR QOOR, waxaan u soo jeedinayaa ummada Soomaaliyeed in aan dhagartaas ka hortagno gaar ahaan shacbiga reer Galmudug.

Intaas kadib meel aan iska aamusno ma joogno Gar Ilaahay waa loo wada islaan tilaabo kasta oo la qaado in lagu sababeeyo farmaajaa ku soo noqonaaya ma daawan karno oo waa gardaro cad,waayo waan ognahay in Farmaajo rabo in uu soo noqdo geed kasta oo ay qabsadeena u siidaa si doorashadu u noqoto mid xalaaal ah, aan isweydiino su’aalahaan dadka ay ku jahawareeriyeen;-

1-Doorasho xor iyo xalaala wax kasta diidee maxay ula jeedaan?

2-Dhaliisha ay gudiga doorashada ka sheegayaan maxay magacyo ay diidan yihiin sida shaqaalaha iyo askarta u soo bandhigi waayeen?

3-Doorasho laysla ogol yahay bay nagu wareeriyeen aduunka doorasho laysla ogol yahay kamama dhacdo lakiin xisbiyo markii ay tartamayaan goobta codbixinta bay wakiilo ku yeeshaan ayyadiina ayyagaa diidey ee see rabaan?

Ugu damnbeyn waxa lagu soo duuley waa dalka iyo dadka Soomaaliyeed danahooda,aqoonyahanada ,culumada ururada bulshada sida haweenka iyo dhalinyarada awooda anagaa leh daawadayaal qabarmoog ah ma noqon karno qaswadayaal qaran dumis ah yaanaan indhaha ka fiirsan, ujeedka cadwgu waa in mar kasta inta nala shaqshaqo ninka damiirka leh ee damqada la dilo,waxaana hadda laga bilaabayaa Madaxweyne QOOR QOOR ee ogaada,waayo wuxuu soo nooleey dab cadwgu moodaayey in ay baqtiiyeen dalka gudihiisa iyo dibadaba, yaanaan dhayil san in aan ilaashano haldoor kayyaga gaar ahaan reer Galmudug baan fariintaas u dirayaa.

Wabilaahi Towfiiq.

Dhiblaawe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.