Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay Madaxda Warbaahinta

rooble

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la qaatay Madaxda Warbaahinta ayaa adkeeyey muhiimadda ay leeyihiin xiligan dalku ku jiro Doorashooyinka, isagoo ku booriyey in ay xoojiyaan doorkooda wacyiginta bulshada.

Kulankan inta uu socday, ayaa la iska xog wareystay xaaladaha dalka ee xiliga kala guurka, waxuna Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in saxaafaddu ay tahay il muhiim ah oo door wanaagsan ka qaadan karta sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho huffan.

Eng. Rooble aya tilmaamay in Warbaahinta Soomaaliyeed ay kaalin mugleh ka soo qaateen horumarka dalka, gaar ahaan xiliyadii adkaa, isla markaana looga baahan yahay in ay sii xoojiyaan kaaluntooda.

“Waxaan idinkaga mahadcelinayaa kaalinta muhiimka ah ee aad ka soo qaadateen horumarka dalka, gaar ahaan wacyigelinta bulshada, hadana waxaa idinka rabaa sidii aad doorkiina uga qaadan lahaydeen doorashooyinka dalka ka dhacaya”.

Madaxda Warbaahinta ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda kulanka iyo isxogwareysiga, waxayna xuseen in ay sii xoojin doonaan wacyigelinta bulshada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.