Taliyihiii Ciidanka Dhulka oo Gaaray Guriceel

Dhoore

Taliyaha ciidanka dhulka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen Maxamed Tahliil Biixi (Shariiful Arwaax) iyo saraakiil u hoggaaminayo oo maalmahaan ku sugnaa Galmudug ayaa maanta lagu soo dhaweeyey degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Taliyaha iyo wafdigiisa ayaa horay usoo maray magaalooyin dhowr ah sida, Dhuusamareeb,
Gaalkacyo, Cadaado,Caabudwaaq, Balanbale iyo kuwa kale oo ka tirsan Galmudug.

Taliyaha ayaa kormeeray dugsiga tababar ciidanka ee Harqaboobe oo ku yaala degmada Guriceel halkaas oo uu kula kulmay saraakiisha dugsiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.