Deni oo Guddi u Magacaabay Aaska Loo Samaynaayo Wasiirkii Hore ee Amniga Puntland

deni

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Guddi u magacaabay aaska Qaranka ee loo samaynaayo Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta dowladda Puntland Marxuum Axmed Cabdullaahi Yuusuf ( Dowlad ).

Guddigan oo ka kooban 5-xubnood ayaa kala ah.

1.Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Cabdullahi Cali Xirsi Timacadde (Guddoomiye)

2. Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Cabdisamed Maxamed Gallan (Xubin )

3. Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Siciid Cismaan Aadan (Xubin)

4. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada,Ahna ku-simaha Wasiirka Cabdirashiid Cali Geelle (Xubin )

5. Taliyaha Ciidanka Booliiska S/ Guuto Cabdi Xasan Xuseen (Xubin)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.