Rooble oo Afhayeenka Xukuumada u magacaabay Maxamed Ibraahim Macallimuu

macalimu

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa mudane Maxamed Ibraahim Macallimuu u magacaabay Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Maxamed Ibraahim Macallimuu kula dar daarmay in uu si hagar la’aan u guto waajibaadka loo idmaday.

Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa ah suxufi rug caddaa ah oo in badan ka soo shaqeeyay Warbaahinta sida gaarka ah loo leeyahay ee gudaha iyo dibadda, isla markaana xoghaye ka ahaa urur u dooda xaquuqda suxufiyiinta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.