Sawiro:Gudoomiye Cumar Filish oo Warta Nabada ka dhagax dhigay wado Bulikeeti ah

Cumarfilish

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa Maanta dhagax dhigay Waddo Interlock ah oo laga hirgelinayo Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir.

Waddadaan oo oo dhirirkeedu yahay 960 Mitir ayaa waxay kasoo bilaabataa Jid-cadaha Furayaasha waxayna ku dhamaataa Suuqa Xararyaale ee Degmada Warta Nabadda.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed “Cumar Filish” ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsaday iney ilaashadaan nadaafadda waddooyinka uu maamulku dhiso si ay ugu dhiiradaan horumarinta caasimadda isagoo ballan qaaday iney sii wedi doonaan dhismaha waddooyinka iyo interlocks-ka.

Dhagax dhigga ayaa waxaa guddoomiyaha ku wehlinayay Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada Gobolka,Guddoomiyaha degmada Warta nabadda,Afhayeenka Gobolka Banaadir,Guddoomiyaha ururka haweenka Gobolka iyo mas’uuliyiin kale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.