Qoorqoor oo loogu Baaqay inuu Xilka ka Qaado Wasiirka amniga Galmudug

fiqiwww.gedotimes.com

Waxaa isi soo taraya Codsiga iyo dalabka ka imaanaya qaybaha kala duwan ee Bulshada Galmudug sida Waxgaradka, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanada iyo dhalinyarada Galmudug ee ah in Xilka laga qaado Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi.

Bulshada Galmudug ayaa Madaxwaynaha Galmudug ugu baaqday inuu xilka ka qaado Wasiirka Amniga Galmudug Fiqi Madaama uu ku fashilmay wax kaqabashada Amniga Galmudug gaar ahaan la dagaalanka shabaab iyo sugida Amniga Ra’iisalwasaaraha soomaliya oo Booqasho ku yimid Gaalkacyo.

waxaa kaloo Wasiir Fiqi lagu eedeyey inuusan waxba ka qaban sidii maleeshiyaadka hubaysan ee galmudug ku sugan Tobabar loogu wada furi lahaa si ay u noqdaan Ciidan qaran, balse badalkeeda ka shaqeeyey sidii beelbeel Maleeshiyaad loogu samayn lahaa taas oo kaliftay in lawaayo ciidan la dagaalama Shabaab kuwaas dhowr jeer hoobiyaal kusoo riday garoonka diyaaradaha magaalada dhuusamareeb.

Lama oga Madaxwayne QoorQoor inuu fulin doono dalabka bulshada Galmudug iyo in kale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.