Ciidamada Danab oo Gacana kusoo dhigay Xubno ka tirsan Shabaab

Danab

Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa Howgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen gudaha Degmada Walaweyn ee Gobolka shabellaha Hoose waxa ay ku soo qabteen Madaxii guud ee Dilalka qorsheysan ee Al-shabaab.

Ciidanka Sida gaarka u tababaran ee Kumaandooska Danab ayaa u dhacay guriga Horjoogahaan oo Lagu Magacabo Maxamuud Maxamed Sheekh Cali.

Saraakiil ka tirsan Kumaandooska Danab oo la hadlay Idaacada Ciidamada Qalabka Sida  ayaa sheegay in Howlgalkaan laga fuliyay gudaha Degmada Walaweyn ee gobolka shabellaha Hoose lagu soo qabtay Madaxii Guud ee Dilalka Qorsheysan ee argagixisada Al-shabaab.

Saraakiisha Danab waxa ay sheegeen in Xogta Horjogahaan laga warhaaye isla markaana degmada Walaweyn uu soo gaaray Habeen ka hor

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.