Sswiro:Deni oo Garoowe ku qaabilay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta xuquuqda Aadanaha

deni

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta xuquuqda Aadanaha ee Dowladda Federaalka Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim (Xaabsade) iyo wafdi ay hoggaaminayso.

Madaxweynaha iyo Wafdiga ka socda DFS  ayaa ka wada hadlay marxaladda doorashada gaar ahaan doorka haweenka, iyo sidii ku heli halaayeen  qoondo ku filan uga heli lahaayeen Kuraasta labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska ee Dowladda Puntland Marwo Aamina Cismaan Xaaji, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Dowladda Puntland Marwo Sahro-kiin Cabdi Xirsi, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Haweenka ee DFS Mudane Deeq Suleymaan iyo AF-hayeenka Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane Jaamac Dabaraani.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.