Wasiirka Arrimaha Dibadda oo la tashi la yeeshay Safiirka Soomaaliya ee Kenya

tarzan

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, ayaa maanta oo Isniin ah kula kulmay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Jamhuuriyadda Kenya, Mudane Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan”, kadib markii loogu yeeray shalay oo Axad ahayd wadatashi ku qotoma xiriirka Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiirka Arimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa talooyin iyo tilmaamo siiyay Safiirka si uu u fuliyo, lana socdo, halka Danjire Maxamuud Tarsan uu wasiirka uga warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay.

Waxaa xusid mudan in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay ugu yeeratay Safiirkeeda Nairobi wadatashi, halka Safiirka Kenya ay ku wargelisay in uu dib ugu laabto dalkiisa, iyadoo ka jawaabeysa faragelinta qaawan ee kenya ay ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya gaar ahaan Jubbaland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.