Wasiirka cusub wasaaradda ee arrimaha dibadda oo xilka lawareegay

Cawad

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay Munaasabad uu xilka kula wareegayay wasiirka cusub ee wasaaradda arrimaha dibadda taasi oo ka dhacday xarunta wasaaradda arrimaha dibadda.

Munaasabadaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka ah Wasiiro hore, xildhibaanno iyo safiirro.

Ugu horreyn ayaa waxaa halkaas ka hadlay guddoomiyaha guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in Wasiirka cusub ay ku soo dhaweynayaan masuuliyada cusub ee loo igmaday.

Wasiiraka cusub ee wasaaradda arrimaha dibadda mudane Maxamed Cabdirisaq Maxamuud Abuubakar ayaa sheegay inuu sii amba qaadayo shaqada wasaardda hoggaankeeda uu qabtay, isagoo dhinaca kale wasiirkii hore ku ammaanay shaqada uu soo qabtay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.