Sawiro:Generaal Khaliif Ciise Mudan oo aas qaran Garoowe lagu sameeyey

deni

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qeybgalay Aas Garoowe loogu sameeyay Allaha u naxariistee Marxuum Khaliif Ciise Mudan.

Aaska marxuumka waxaa kaloo ka qeybgalay, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoonka Golaha Wakiilada, Goleyaasha Dowladda, Saraakiisha Ciidamada, Culimada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Garoowe.

Madaxweynaha Puntland wuxuu markale uga tacsiyadeeyay bulshada Puntland iyo guud ahaan shacabweynaha Soomaaliyeed geerida ku timid Allaha u naxariistee Marxuum Khaliif Ciise Mudane, si gaar ah wuxuu ugu tacsiyeeyay ehelkii, qoyskii iyo caruurtiisii oo uu kula kulmay Aaska.

Alle ha u naxariisto Jeneraal Khaliif Ciise Mudan wuxuu xilal kasoo qabtay dowladii dhexe ee Soomaaliya, burburkii kaddib wuxuu ka mid ahaa asaasayaashii Puntland, isagoo soo noqday Wasiirka Amniga. xiligan wuxuu ahaa La taliye Madaxweyne iyo xubin ka mid ah guddiga dib-u-habeynta Ciidamada Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.