Sawiro:Deni oo Xildhibanada Puntland ka socday inaan mooshin laga Keenin Imaaradka

deni

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan Degdega oo is xogwareysi ah la yeeshay Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ka hor intaan laga doodin heshiiska Dekada Boosaaso.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-Xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl.

Madaxwaynaha Puntland ayaa Xildhibaanada Puntland ka Codsaday kulanka Bari oo sabti ah ay ku lee yihiin xaruntooda inaysan keenin wax mooshina oo looga soo horjeedo heshiiskii Puntland la gashay shirka Imaaradka ee P&O kaas oo waxba ka hirgalin.

waxaanan la ogayn in Barlamaanka Puntland ay qaadanayaan talada Madaxwaynaha Puntland iyo inay wax ka qabanayaan shirka Imaaradka ee P&O taas oo Fulin heshiikii lala gaaray kaas oo ahaa in dhisaan Dekada Boosaaso mudo 4 Sano gudaheeda taas oo hada dhamaatay.

puntland
puntlandbarlamaan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.