Shirka wadatashiga Musharixiinta oo Muqdisho ka furmay

Musharaxiinta

Shirka wadatashiga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ee sanadka 2021-ka ayaa ka furmay magaalada Muqdisho .

Shirkan ayaa socon doona seddaxda maalmood ee soo socota, waxaana looga arrinsanayaa doorashada Soomaaliya oo haatan hanaanka loo wado tabasho badan ay ka qabaan musharaxiintu.

Shirkaan ayaa waxaa ka qayb galay Musharaxiinta kala ah Xasan Cali Kheyre, Xasan Sheekh Maxamuud Shariif Sheekh Axmed, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Cabduqaadir Cosoble Cali, Daahir Maxamuud Geelle, Musstaf Sheekh Cali Dhuxulow, Cabdikariin Xuseen Guuleed, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo xubno kale.

Waxaa la filayaa in shirkan laga soo saaro go’aano ay ku mideysan yihiin hoggaamiyeyaasha mucaaradka, kuwaas oo la xiriira doorashada soo socota ee dalka.

Cabashada ugu badan ayey musharaxiintan ka qabaan xubnaha loo soo magacaabay guddiyada doorashada iyo xalinta khilaafaadka, waxaana lagu qadaa inay shirkan go’aan mideysan uga qaataan guddiyada magacaaban.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.