Sawiro:Yuusuf Dabageed oo Booday Xeryo ciidan oo ku yaala Baladwayne

dabageed

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabeelle mudane Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) oo uu wehliyo guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Hirshabeelle ayaa kormeeray xerada ciidanka guutada 5-aad ee xoogga dalka, taas oo ku taal magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Saraakiisha guutada 5-aad ee ciidanka xoogga ayaa warbixin ka siiyay mas’uuliyiintaan, sida ciidanku ugu diyaarsanyihiin sugida amniga gobolka, gaar ahaan goobaha lagu wado in dhawaan ay ka dhacdo doorashada heer federaalka.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar ayaa ciidamada qalabka sida ku ammaanay sida ay ugu taaganyihiin difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed, isagoo ku wareejiyay 3-neef oo geel ah oo ciidanka uu ugu talo galay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.