Sawiro:Xildhibaan Ubax Tahliil oo si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Gaalkacyo

ubaxtahaliil

Xildhibaan Ubax Tahliil oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Fadaraalka Soomaaliya ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.

Xildhibaan Ubax Tahliil Warsame ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Oshaco ee magaalada Gaalkacyo ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinta Maamulka Dagmada Gaalkacyo ee Galmudug iyo boqolaal ruux oo matalayya bulshada qeybahooda kala duwan ee ku nool Gaalkacyo.

Duqa Dagmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Jimcaale oo ugu horeyn la hadlay Warbaahinta intii lagu guda jiray soo dhaweynta ayaa u mahadceliyay Xildhibaan Ubax Tahliil, isagoo xusay in ay aad ugu faraxsanyihiin socdaalkeeda ay ku timid magaalada Gaalkacyo.

Xildhibaan Ubax Tahliil Warsame ayaa dhankeeda uga mahadcelisay Maamulka Dagmada Gaalkacyo iyo bulshada qeybahooda kala duwan soo dhaweynta ay u sameeyeen, iyadoo xustay in shacabka Gaalkacyo ay yihiin kuwa ay caddahay in rabitaankoodu shaqeynayo, maadaama ay doorteen Maamul iyaga ay rabaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.