Wasiirki Arimaha Dibada oo xilka laga qaaday

wasiir cawad

Wareegto ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaharaha Soomaaliya ayaa waxaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya loogu magacaabay mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, kaasi oo badali doono Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibada Dalka.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cismaan Abuukar Dubbe ayaa wareegtada ka akhriyay Telefishinka Qaranka, waxaana uu sheegay in wareegtadan ay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ka soo baxday maanta oo ay taariikhdu tahay 19 bisha November ee sanadka 2020.

Wasiir Dubbe ayaa sidoo kale sheegay in Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u magacaabay safiir mudane Axmed Ciise Cawad Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.