Madaxweyne Farmaajo oo u Hambalyeeyay Madaxda Cusub ee Hirshabeele

Farmaajo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka cusub ee Dowlad Goboleedka Hirshabeele Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Yuusuf Axmed Hagar Dabageed  oo maanta ku guuleystay doorashadii Madaxtinimo ee Hirshabeele.

Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Alle uga baryay Madaxweynaha cusub ee Hirshabeele iyo KuXigeenkiisa in ay ku guuleystaan gudashada waajibaadka culus ee loo igmaday, ayna astaan nabadeed iyo midnimo u noqdaan Maamulka Hirshabeele.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.