Sawiro:Rooble oo markii ugu horaysay Kormeeray xerada TurkSom

rooble

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeer ku tagey xerada tababarka Ciidanka ee TurkSom, isagoo ku boggaadiyay Saraakiisha Turkiga tababarka heerkiisu sareeyo ee ay siinayaan Ciidamadda.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kormeeray qeybaha kala duwan ee xarunta ayaa ku tilmaamay ciidamadda ka soo baxa qeybaha tababarka ee kuliyaddan rajada iyo tusaalaha dib-u-dhiska ciidammada iyo dib-u-soo celinta dowladnimada, sharciga iyo kala dambeynta Soomaaliya.

“Soomaaliya waxay u baahan tahay ciidan xooggan oo ka difaaca cadowga, maalin walbana waxaa sii kordheysa baahida uu waddanku idiin qabo, Waxaa dhammaanteen naga go’an inaan difaacno diinta, dalka, dadka iyo dowladda, Waxaan uga mahadcelinayaa Dowladda Turkiga kaalinta weyn ee ay ka qaadanayso dhismaha iyo soo celinta ciidankii Soomaaliya” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.