Daawo:Koofurgalbeed oo Joojisay Isticmaalka xanuun baabi’iyaha Tramadol

koonfurgalbeed

Shir Deg Deg ah oo uu isugu yeerey Kusimaha Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ahna Gudoomiyaha Baarlamanka Dr Cali Saciid Faqi ,wasaaradda Caafimaadka KGS ,Maamulka Gobolka Baay , Sarakiisha Ciidamada Booliska ,iyo Xeer ilaaliyaha gobolka Baay , ayaa looga hadleyay waxyeelada maandooriyaha.

Shirka oo uu goob joog ka ahaa Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Baarlamanka KGS waxaa laga soo saareyay go’aano ku saabsan ka ganacsiga waxyaabaha Maan dooriyaha sida Tramadol iyo wax-yaabaha la midka ah Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sharci daro ku tilmaantey ka ganacsiga Daawooyinka Maandooriyaha.

Wasiirka Wasaradda Caafimaadka Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jiidow oo saxiixey go’aanka sharcigaan la soo rogey ayaa ganacsatada ugu digey qofkii lagu arko ka ganacsiga Maandooriyaha in tilaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.

Kusimaha Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Amb Dr Cali Saciid Faqi ayaa si cad u sheegey in dowlad Goboleedka KGS ay go’aan ka soo saartey ka ganacsiga waxyaabaha Maandooriyaha sida Tramadol iyadoona sharci daro ku tilmaantey.

Waxaa mudooyinkii ugu danbeeyay si weyn ugu soo batey deeganada Koonfur galbeed Soomaaliya dhalinyarada isticmaasha waxyaabaha Maandooriyaha ,iyadoona saameyn weyn ku yeelatey Noolashooda iyo waxbarashadooda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.