Doorashada Gudoonka barlamaanka hirshabeele oo gaba gaba maraysa

hirshabeele

Musharixiinta u taagan xilka gudoomiyaha Baarlamaanka 2-aad ee Hirshabeelle iyo ku xigeenadiisa ayaa maanta jeedinaya khubadahooda rasmiga ah ee musharaxnimada, iyadoo haatanba ay socoto abaabulka kulanka Babaarlamaanka.

Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka 2-aad ee Hirshabeelle waxaa u tartamaya laba Musharax oo kala ah Cabdixakin Luqmaan Xaaji Maxamed iyo Maxamed Maxamuud Ibraahin Goodir, halka Guddoomiye ku-xigeenka koowaad u taagan yihiin laba Musharax oo kala ah Siraaji Sheekh Isxaaq Cabdulle iyo Saadaq Salaad Warsame.

Marwo Canab Axmed Ciise oo hore u ahayd Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa ah gabadha kali ah ee xilkaasi mar 2-aad u tartamaysa, iyadoo uu la loolamayo Mahad Xasan Cusmaan.

Doorashada Gudoonka Baarlamanka 2-aad ee Hirshabeelle ayaa lagu wadaa in la doorto maalinta berri ah, iyadoo markaasi ka dib ay xigi doonto doorashada madaxweynaha Hirshabeelle.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.