Ciidamada NISA oo hawgal kusoo qabtay Rag katirsan shabaab iyo Hubkoodii

hub

Howlgal xalay xilli dambe ciidamada Sirdoonka Caasimadda ee qeybta ka ah NISA ay ka fuliyeen Xaafada Oodweyne ee Degmada Dayniile ayaa lagu soo qabtay Dhagar-qabayaal ka tirsan Argagixisada Al-shabaab iyo Hub kala duwan.

Dhagar-qabeyaashan ayaa Argagixisada Al-shabaab u qabilsanaa dilalka iyo weerada qorshaysan ee Caasimadda.Ha’yaddaha Amniga Caasimadu ayaa waxay goor kasta diyaar u yihiin inay ka hor-tagaan, iskuna dhigaan dhibaato kasta oo loo soo maleego Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Caasimadda.

Waxaan mar walba u mahad celineynaa shacabkii nagu garab siiyey helida xoggaha xaasaasiga ah ee lagu badbaadinayey Shacabka Soomaaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.