Sawiro:Ra’iisul Wasaare Rooble oo xilka u kala wareejiyey Wasiirrada Arrimaha Gudaha iyo Amniga

rooble

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeybgalay munaasabad ay xilka kula kala wareegayeen Wasiirrada cusub ee Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Amniga.

Eng. Rooble ayaa ku ammaanay Wasiirradii hore ee xilka wareejiyey howlkarnimadii ay muujiyeen mudadii ay xafiiska joogeen, isagoo tilmaamay in labadani wasaarradood ay kamid yihiin lafdhabarka dowladda, loogana fadhiyo wasiirrada cusub ee xilalka la wareegay waajibaadkooda in ay u gutaan si caddaalad ah.

“Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Amniga waxay dalkaan u leeyihiin muhiimad weyn, waana halbowlaha wasaaradaha, si kaalintaas looga faa’iideysto waa in la dardargeliyaa shaqooyinka idin horyaala”.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay Wasiirrada xilka la wareegay in dalkooda ay ugu shaqeeya si daacaad ah, maadaama wasaaradaha ay la wareegeen muhiim u yihiin dowladnimada, gaar ahaan Amniga, Federaaleynta iyo dib-u-heshiisiinta.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa xilka ku wareejiyey Wasiirka cusub Gen. Mukhtaar Xasan Afrax, halka Wasiirkii hore ee Amniga Maxamed Abuukar Isloow xilka ku wareejiyey Wasiirka cusub Mudane Xasan Xundumeey Jimcaale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.