Ciidamo kasocda Galmudug soo gaaray Caabudwaaq

ciidan

Ciidama isugu jira kuwa qaabilsan amniga ee kala ah booliska Haramcad, Ciidamada Q 21,aad ee Milatariga Xoogga iyo Booliska Qaabilsan Amniga Deegaanka guud ee Galmudug oo soo gaaray Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa bilaabay hawlgallo la xariira amniga Degmada.

Ciidamadaan ayaa imaatin kooda degmada waxaa uu la xariiraa sidii ay gacan oga Gaysan lahaayeen Sugida amniga deg, Caabudwaaq kadib markii tacshiir ay fureen kooxo hubaysan subaxnimadii hore ee maanta ay sababtay geerida labo Ruux iyo dhawaaca Qof Dumar ah.Dhinaca kale waxaa Magalada goor dhaw soo gaaray wafti uu hogaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo dibuheshiisiinta Galmudug oo ka kooban Wasiiro iyo Xildhibaano si ay gacan oga gaystaan dagaanashaha Degmada.

Wasiirka iyo Waftigiisa ayaa hada kulan Albaabada u xiran yahay waxaa ay kula leeyihiin Hoygiisa Ugaas Maxamed Ugaas Axmed iyo laamaha kala duwan ee AmnigaShacabka degmada Caabudwaaq ayaa Si wayn oga naxay falka ay maanta Gaysteen dablayda hubaysan.

laamaha kala duwan ee amniga ayaa wada hawlgalo ay ku baadi goobayaan dambiilayaasha oo markii ay dilka gaysteen goobta ka baxsaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.