Wasiir Dowlaha Cusub ee madaxtooyada oo xilka la wareegay

Mahdi

Wasiiru Dowlaha cusub ee Madaxtooyada Mudane Xasan Macallin Khaliif oo dhawaan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble u magacaabay xilkaas ayaa kala wareegay Wasiiru Dowlihii horay u hayay Mudane Cabduqaadir Sheikh Cali Baqdaadi.

Mudane Xasan Macallin Khaliif Wasiiru Dowlaha Cusub ee Madaxtooyada oo ka hadlay munaasabadda xil wareejinta oo ka dhacday Xafiiska Wasiiru Dowlaha ayaa si kooban uga hadlay qorshihiisa ku aaddan howlaha hortebinta leh ee Madaxtooyada.

Dhankiisa, Wasiiru Dowlihii hore ee Madaxtooyada Mudane Cabduqaadir Sheikh Cali Baqdaadi ayaa ka warbixiyay shaqooyinkii muhiimka ahaa ee uu soo qabtay intii uu xilka hayay iyo kuwa horyaalla Wasiiru Dowlaha cusub. Waxa uuna ku booriyay sii amba-qaadidda howlaha culus ee harsan.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo goobjoog ka ahaa munaasabadda xil wareejinta ayaa bogaadiyay shaqooyinka uu soo qabtay Wasiiru Dowlihii hore, waxa uuna kula dardaarmay Wasiiru Dowlaha cusub dardargelinta howlaha dhiman.

Munasaabaddan waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Arrimaha Diinta iyo Awqaafta Mudane Cumar Cali Rooble, Wasiir Kuxigeenka Amniga Gudaha Mudane Caadil Sheegow Sagaar, Wasiir kuxigeenka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Marwo Xiis Xasan Aadan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.