Sawiro:Rooble oo kormeeray furitaanka wadada isku xirta Km4 iyo Tarabuunka

Ra’iisul Wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehliyo Kusimaha Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Axmed Xasan Iimaan ayaa caawa si wadajir ah u furay Wadada xiriirisa KM4 illaa iyo Tarabuunka, taasi oo muddo sanado ah xirneed, Madama ay halkaasi isu bad-badaleen Safaaradaha Turkiya iyo Qatar.

Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Enj.Cumar Cali Cabdi iyo Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan iyo Saraakiil kale ayaa goob-joog ka ahaa furitaanka wadadaan oo muhiim u ah isu-socodka shacabka Muqdisho, kana mid ah wadooyinka Halbowlaha ah ee Magalaada.

Muddooyinkaan danbe ayey Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya waxa ay ku mashquulsanaayeen sidii loo furi lahaa wadooyinka Muhiimka ah ee Magaalada Muqdish.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.