Ciidamada Xooga Dalka oo qaarijeyey masuul sare oo ka tirsan Shabaab

dagaal

Ciidanka Kumaandooska Danab ee xoogga dalka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanno hoostaga degmooyinka Balcad iyo Afgooye oo ka kala tirsan gobollada Shabeellaha dhexe iyo Shabeellaha hoose, waxey ku khaarijiyeen 6 ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab oo uu ku jiro horjoogihii argagixisada u qaabilsanaa Maaliyadda gobollada Shabeellooyinka.

Horjoogaha oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Cabadalla (Abuu Ayman) ayaa lacagaha baadda ah ka qaadi jiray dadka shacabka, si ay ugu adeegsadaan dhibaateynta shacabka oo ay ugu horreyso qaraxyada ay la beegsadaan goobaha ay ku badanyihiin rayidku.

Ciidanka ayaa intii ay howlgalka ku jireen waxey burburiyeen goobo argagixisada Al-shabaab ay shacabka uga qaadi jirtay lacagaha baadda, iyagoo sidoo kalena miinooyin maleeshiyadu ay ku aastay waddooyinka ka soo saaray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.