Sawiro:Roob qasaaro dhimasho Iyo dhaawac gaystay ayaa Ka da’ay Gobolka Galgaduud

Roob geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka da’ay magaalada baxdo ee gobolka Galguduud.

Roobka deyrta ayaa maalmahaan ka da’ayay  qeybo ka mid ah gobolka galgaduud waxaana xalay roob xooggan oo ka da’ay magaalada baxdo ee hoos timaada cadaado ku dhinay gabar yar halka ruux kale oo dhawaac kasoo gaaray kadib markii uu hoygii ay ka degenaayeen u uku dumay.

Ruuxa dhaawaca uu soo gaaray oo ah gabar kale ayaa lagu dabiibaa Cisbitalka magaalada baxdo ee gobolka galguduud sida uu warbaahinta qaranka usheegay mid kamid ah dadkii goobjooga ahaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.