Ganacsiga Baladxaawo oo xiran kadib markii xabsiga ladhigay qaar kamida Ganacsatada dagmada

baladxaawo

Ganacsiga dagmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo ayaa maanta xiran kadib markii shalay xabsiga ladhigay Gudiga Ganacsatada dagmada Baladxaawo.

Xariga Ganacsatada ayaa yimid kadib markii xubno ka mid ah ganacsatada deegaanka ay kualn aan la shaacin ay shabaab kuala yeesheen duleedka Baladxaawo kaas oo aan la aqoon waxa uu kusoo dhamaaday.

Dhanka kale Shabaab ayaa Cunaqabtayn kusoo rogeen demooyinka kala ah Doolow, Luuq iyo Beled xaawo, waxaana gawaaridii xamuulka ah ee raashinka iyo agabyada kale u sido gobolka ay Alshabaab ku xayireen deegaanno ka tirsan gobolka Bay.

Ma jiraan wax hadal ah oo kasoo baxay Maamulka Baladxaawo iyo kan gobolka Gedo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.