Sawiro:Barlamaanka Galmudug oo ansixiyey Xeerka Fiqi Horgeeyey

galmudug

Xildhibaannada Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug oo Maanta kulan ku yeeshay magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen Sharciga dhismaha ciidamada Boliiska Galmudug.

Kulanka waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal waxaana goobjoog ahaa wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi.

Sharcigaan ayaa waxaa Baarlamaanka Galmudug u gudbiyay wasaaradda amniga Galmudug, waxaana ay uga mahad celisay guddoonka iyo xildhibaannada ansaxiyay sharcigaan oo lagu dhisayo ciidamada amniga dowlad goboleedka Galmudug.

“Wasaaradda Amniga Gudaha Galmudug waxay u mahadcelinaysaa Guddoomiyaha Barlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal, Guddiga Amniga iyo Xuduudaha iyo xildhibaanada Barlamaanka Galmudug oo maanta si aqlabiyad ah ku ansixiyey Sharciga dhismaha ciidamada Booliska Galmudug” ayaa lagu yiri war kasoo baxay wasaaradda amniga Galmudug.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.