Sawiro:Wasiir Bayle oo ka qayb galay Shirka Sanad laha ah ee Bankiga Aduunka

Bayle

Sii hayaha Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Aaladda fogaan aragga uga qeyb galay shirka sanadlaha ah ee Bangiga Adduunka oo looga hadlayay isbadalka dhaqaalaha iyo saameynta COVID-19.

Wasiir Beyle ayaa xusay in madaxda shirka uu la wadaagay isbadalka maaliyadeed ee dalka iyo saameynta uu cudurka COVID-19 ku yeeshay dhaqaalaha caalamka gaar ahaan Soomaaliya.

“Waxa aan ka qeyb galay shirka sanadlaha ah ee Bangiga Adduunka iyo Soomaaliya oo aan uga hadalnay isbadalka Maaliyadda, Dhameystirka qorshayaasha lagu horumarinayo dhaqaalaha iyo saameynta Coronavirus ee Soomaaliya”. Ayuu yiri Wasiir Beyle.

Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa hadalkii ku daray “Waxa aan u mahadcelinayaa Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Adduunka ee Afrika Hafez Ghanem oo shirka nagala soo  qeybgalay iyo taageerada Bangiga ee Soomaaliya”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.