Sawiro:Madaxwaynaha Koonfurgalbeed oo Shir Gudoomiyey Shirkii Golaha wasirada

laftagareen

Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa shir gudoomiyey shirka todobaadlaha golaha wasiirada Dowlada Koonfur galbeed oo maanta ka qabsoomay Magaalada Baydhabo ee Xarunta kumeel gaarka u ah Dowlada Koonfur Galbeed iyadoona shirka looga hadlay Dhowr ajandayaal oo ay kamid ahayeen Amniga,Cadaalada,Xaalada Degmada Afgooye Samaynta Fatahaadka ,Dib-udhiska Wadooyinka Magaalada Baydhabo iyo kuwo kale ayaa lagu falaqeyey shirka saacadaha uu socday.

Shirka ayaa Ugu Horeyn loogu Tacsiyey Taliyaha Guutada 7aad Qeybta 60aad Ciidanka Xooga Dalka oo Xalay ku geeriyooday Dagaal Dhexmartay Ciidamo ka tirsan Dowlada Soomaaliyeed iyo Maleeshiyada Argigixisada Alshabaab Waxaana Madaxweynaha iyo Golaha Wasiirada Tacsiyo Udireen Guud ahaan Shacabka Koonfur Galbeed Gaar ahaan Ehelada uu ka Baxay Marxuumka.

Wasiirka wasaaradda Amniga Gudaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Isaaq Ali Subag oo Warbixin ku saabsan Amniga laga dhagaystay ayaa Sharxay Xaalada Amni ee Deeganada Koonfur Galbeed Waxaana uu Xusay in todobaadkii laso dhaafay aan khalalaaso Amni ka dhicin Deeganada Koonfur Galbeed Marka laga Reebo Shaqaqadii Xalay ka dhacday Duleedka Degmada Afgooye walow Ciidanka Xooga Dalka kuwa Gaarka Koonfur Galbeed iyo Saaxibada Soomaaliya ay wadaan Howlgalo lagu Xaqiijinayo Amniga Deeganada Koonfur Galbeed Dhowaana ay qorshaynayaan inay Bilaaban Howlgalo lagu furaayo Wadooyinka si Dhibaatada Argigixisada Alshabaab ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed looga Dulqaado.

Wasiirada Wasaaraddaha Cadaalada,Boostada,Batroolka iyo Haweenka ayaa sido kale laga dhagaystay Warbixin ku saabsan Howlaha shaqo ee Wasaaraddaha ay uhayaan Shacabka iyo Dadaalada ay ku bixinayaan kamiradhalka Himilooyinka Shacabka sidii loo fulin lahaa.

Cali Wardheere Cabdiraxmaan Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Baay oo Maanta Warbixin ku saabsan Howlaha Balaarinta iyo Dib-udhiska Wadooyinka Magaalada Baydhabo ka jeediyey Shirka Golaha Wasiiradda ayaa Sheegay in kan Maamul ahaan ay wadaan Dadaalada lagu Hormarinayo Bilicda Magaalada iyo Hirgelinta Wadooyin Hore leh.

Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Bogaadiyey in lasii dardargeliyo Howlaha loogu Adeegayo Shacabka kunool Deeganada Koonfur Galbeed si adeegyada Dowlada loo Daadejiyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.