Xagee ku dambaysay Dhagaxaantii Fiqi Dhigay Balanbale iyo Dhabad???

fiqi

Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi Markii loo magacaabay Wasiirka amniga  ayaa waxuu sheegay inta badan Maleeshiyaadka kusugan galmudug in la xarayn doono iyagoo laga dhigaayo Daraawiish.

Wasiir Fiqi ayaa Maleeshiyaadkii kusugnaa Koonfurta Gaalgacyo iyo Hubkoodii soo aruuriyey isagoo tababar uga furay Dugsiga Indha-qaris.

28 September 2020 ayaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa xerada ciidanka Indhaqaris ee ku taala duleedka degmada Gaalkacyo tababar ugu soo xiray dufcaddii 1aad oo si buuxda u dhammaysatay tababarkooda, kuwaasi oo ka tirsan ciidanka Daraawiishta Dowladda Galmudug.

Qoorqoor

Dhanka kale Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa magaalada Galinsoor waxuu Tobabar kale uga furay malkeeshiyaad halkaas ku sugnaa.

3 July 2020 Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo la socday wafti uu hogaaminaayo Madaxwaynaha galmudug oo gaaray magaalada Balanbale ayaa dhigax dhigay Xero lagu toobabaarayo Maleeshiyaadka kusugan halkaas si ay uga mid noqdaan Daraawiishta Galmudug Balse waxba kama hirgalin Dhagaxii uu dhigay Wasiir Fiqi.

Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi sidoo kale waxuu Degmada Dhabad ka dhagax dhigay xero kale oo lagu tobabaaraya daraawiishta Galmudug taas oo iyana waxba ka hirgalin.

Waxaa dad badan oo kamida Bulshada Galmudug walwal ka qabaan inaysan jirin Galmudug loo dhan yahay balse ay jirto Galmudug wasiir walba Beeshiisa waxuu u soo dhicin karo usoo dhiciyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.