Soomaalida cashar ma ka baran karaan dorashadii Farmaajo ilaa maanta?

shariif

Aniga aragtidayda su’aashaan jawaabteedu waa haahaan sababeeyo siday iigu muuqatay 08/02/2017 guushii Farmaajo waxay farxad u ahayd shacbjga Soomaaliyeed meel kasa ha joogaane,waxayna naxdin u ahayd cadawga ummadda Soomaaliyeed oo ay ugu horeeyeen Tigreegii Kornely Gare wakiilka uga ahaa Muqdishow, qalinka madaxtooyada Soomaaliyana asagu hayey,Keenya oo badeena iyo dhulkeena qayb ka mid ah qoondheeysatay in ay qaadato iyo Imaaraadka(UAE) oo Ilaha dhaqaalaha Soomaaliya in ay la wareegto hamigeedu ahaa.

Haddaba Madaxweyne Farmaajo oo arinataas ka duulaayey wuxuu sameeyey arintaan;-

1-Korneyl Gabre oo uu dalka ka saaray.

2-Beesha caalamka oo galaangalkii Gobolada ay ku lahayd uu hoos u dhigay wixii taakuleyna ee ay siinayaana ku xiray in dawlada dhexe ogtahay ama la soo mariyo.

3-Maamulada Gobolada oo xiriiradii sharcidarada ahaa oo ay la lahaayeen dalalka cadawga inoo ahaa uu soo afjaray.

4-Wakiilkii Qaramada Midoobey oo arintaas ka dhega adayga oo dalka laga saaray.

5-Dhaqaalihii dalka ee sara u kacay.

6-shaqaalihii iyo ciidamadii aan mushaarka heli jirin oo xuquuqdooda joogto laga dhigay

7-Boqolaal Soomaaliya oo daafaha dunida maxaabiis ku ahaa  oo dalkooda lagu soo celiyey.

8-Deyntii faraha badneyd ee Soomaaliya lagu lahaa oo intii badneyd la cafiyey inta harsana cafinteeda la balan qaaday.

9-Tayada shaqaalaha iyo ciidamada qalabkasida oo sare loo qaaday.

10-shuruucdii ugu badneyd oo la ansixiyey.

11-Musuqmaasuqa oo lala dagaalamay oo madax sare loo xiray ama shaqadooda ku waayeen.

Haddaba akhrisayaal intaas ka badan bay qaban lahayd ee cadawga aan sare ku xusay marna maalin qura nafis ma siin in dawlada Soomaalidu horey u socoto oo shaqeyso ,ayyaga oo adeegsanaaya dhuuniraacyo Soomaali ah daqiiqadna ka nasan jirin lugooyada dalka.

1-waxaan  la soconay shan ama afar jeer mooshin ku socday madaxweynaha ama resulwasaaraha oo dhicisoobay.

2-Dacaayad aan sal iyo raad lahyn oo aan la kala joojin.

3-kicin dadweyne oo marar badan laysku dayey oo socon weyday, kana gadmiweydey dadka Soomaaliyeed oo xogogaal ahaa.

4-abaabulid dagaal sokeeye iyo dhaar laakiin gadmiwedey.

 Haddaba casharka aan ka baran karnaa waa in aan kala saari karno cadawga iyo saaxiibka ummadda Soomaaliyeed.

Waxaa kale oo aan ogaanay kuwa mucaaradka sheeganaaya in ay yihiin  adeegayaasha cadawgeena,hubka kaliya ay adeegsadaana yahay qabyaalada tusaale waxaa idinku filan in kooxda mucaaradka nin walba loo diray reerkooda sida shirarkii ka dhacay Garoowe, Hobyo, Xamar, Kismaanyo iyo Gaarisa iyo weliba Samareeb isku soo wada duuboo intaas oo lugooyo iyo hagardaama ah xagee laga soo abaabulaayey mar kasta sow maahayn Dabai iyo Neyroobi.

Soomaalidu waxay dhahdaa (MEYD MAXAA U DENBEEYEY MIDKAAS LA SII SIDO) dacaayadii iyo abaabulkii lugooyadu waa dhamaatay,dalkii doorasho baa loo diyaariyey oo la aadayaa CADAWGII GUDAHA IYO KII DIBADU MAANTA XAGGEE ISUGU TAGEEN? YAA U YEERTAY OO SHIRINAAYA SOW KEENYA IYO IMAARAADKA MAAHA? HADDABA SOOMAALIYEEY INTAAS CASHAR MA KA BARAN KARNAA AANU KU XULANO HOGGAANKA DALKEENA?

Culimada, dhalinyarada, aqoonyahanada, odayaasha  iyo qalinleeyda wax qorta waxaan leeyahay (HALI MAALIN BEY CEEL JOOGTAA} Ma u danaynaa caruurteena mustaqbalkooda mise dhaqaalaha boorsada lagu keenay ee Neyroobi rag u doontay in nala ku gato baan diyaar u nahay?Qaybaha bulshada ee kala duwan dhammaan xilbaa na saran maanta oo kale baa dalku hiil u baahan yahay iyo in aan ubadkeena u danayno intii aan shisheeye u danayn lahayn,kii dareenlahoow hadal oo ha aamusin,wadaadadii siyaasada ku xiiqsanaayow wax sheega,ururada bulshadoow hadeer banaanbaxa oo ama shirka Neyroobi taageera ama madaxooyad

WABILAHI TOWFIIQ.

DHIBLAAWE. 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.