Sawiro:Qoorqoor oo Dhuusamareeb dib ugu laabtay

Qoorqoor

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa galabta dib ugu  laabtay Magaalada Samareeb Ex-Dhuusamareeb ee xarunta Dowladda goboleedka Galmudug kaddib safar shaqo uu ku joogay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur kusoo dhaweeyay Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug, Guddoomiyaha Golaha Barlamaanka, Xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, Maamulka Caasimadda & qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha Galmudug ayaa Muqdisho kaga qeybgalay shirarkii madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Federalka ee lagu go’aamiyay habraaca iyo hanaanka doorashada 2020-2021.

2020-2021.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.