Wax ka ogow safarka Ra’iisalwasaare Rooble ugu dhoofaya dalka dibadiisa

Rooble

Ra’iisal-Wasaaraha Cusub ee dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa lagu wadaa in maanta uu safarkiisii ugu horreeyay ee dibadda ah uu dalka dibaddiisa ugu baqoolo tan iyo intii loo Magacaabay xilkaas.

Ra’iisul Wasaare Rooble sida qorshaysan wuxuu socdaal ku tagi doonaa dalka Kuwait, ujeedada safarka ra’iisalwasaaraha ayaa ah ka qaybgalka tacsida Amiirkii dalka Kuwait Sheekh Sabah Al- Axmed Al- Sabaah oo ku geeriyooday dalka Mareykanka 29-kii  Bishii September ee sanadkaan.

Sidoo kale Ra’isul Wasaaraaha Cusub ee Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Kuwait waxaa uu la kulmi doonaa Amiirka cusub ee dalkaas iyo Madax kale, isaga oo kala hadli doono arrimo ku saabsan xaaladda Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta labada dowladood.

Amiirkii geriyooday ee dalka Kuwait oo la Aasay 30-kii Bishii September ayaa waxaa la filayaa in munaasabad baroordiiq ah loo qabto,waxaana ka qayb geli doona inta badan hoggaamiyayaasha wadamada carabta iyo Islaamka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.