Sawiro:Wasiirada Arimaha Gudaha iyo Amniga oo ka qayb galay dib u dhis lagu sameynayo Isbitaalka Gaalkacyo

cabdiwayeel

Wasiirka arimaha Gudaha galmudug Cabdiwaayeel, Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Maxamed Fiqi, Maamulka koonfurta Gaalkacyo ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay qeybo cusub oo isugu jiray dib u hagaajin iyo balaarin lagu sameeynayo isbitaalka weyn ee koofurta magaalada, waxaana mashruuca hirgalintiisa iska kaashanaya Wasaaradda Caafimaadka Galmudug iyo hay’adda samafalka ee NRC, iyadoo ay maal galineyso dowladda Jarmalka

Agaasimaha Guud ee Isbitaalka weyn Gaalkacyo ee Galmudug Maxamred Cabdi Axmed ayaa ugu horeyn ka mahadceliyay balaatrinta iyo dib u dayactirka lagu smaeynayo isbitaalka,  isagoo xusay in arrintani baahi weyn loo qabo.

Sayid Cali Cabdi Siyaad oo ka mid ah saraakiishii ka socatay hay’adda NRC oo ka warbixinayay mashruucaan ayaa sheegay in ujeedka dhismaha ay tahay in qeybo horleh lagu soo kordhiyo isbitaalka

Munaasabada dhagax dhiga qeybahaan cusub oo ay ka hadleen Xildhibaanno iyo Wasiiro ka tirsan Galmudug ayaa waxaa gunaanadkii ka hadlay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Mahad Caabi Ciise oo shegay in ka Wasaarad ahaan ay gacan ka geysan doonaan daboolidda baahiyaha caafimaad ee ka jira guud ahaan Galmudug.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.