Farmaajo iyo Maamul Goboleedyada oo ka heshiiyey Xiliga Lasoo xulaayo Barlamaanka Soomaaliya

farmaajo

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada 5 ah ayaa is-faham ka gaarey dhismaha gudiyadda isku-dhafka ee maamuli doono doorashooyinka dalka iyo qodobo kale oo Jadwalka iyo hanaanka soo xulista Xildhibaanada labad aqalka ee Baarlamanka 11-aad.

Madaxda Faderaalka iyo kuwa Goboladda ayaa isla meel dhigeen in hanaanka doorashadda Xubnaha Aqalka Sare ay billaabato October 15, islamarkaana ay socon doonto illaa 15-ka November 2020.

Sidoo kale, wixii ka dambeeyay 15-ka November ee isla sanadkan waxaa la guda gali doonaan hanaanka soo xuliska Xildhibaanaddda Gollaha Shacabka.

Dhanka Kale Madaxweyne Farmaajo ayaa magacaabi doona guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka oo aan horey uga mid ahayd heshiiska, kaasoo Dawlad Goboleedyada ay xubno ku yeelan doonaan.

Is-afagaradkan ayaa meesha ka saareya mad-madowgii ku jiray heshiiskii doorashooyinka ee dhawaan Baarlamanka uu meel-mariyay kadib markii DF iyo Maamullada madaxdooda ku saxiixdeen Villa Soomaaliya 17-kii bishan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.