Baladxaawo:Ciidamada xoogga dalka ayaa milkiilihii lahaa ku wareejiyay gaari ay ka dhaceen Al-shabaab

Ciidan

Gaari nooca zuzuki ah oo markii hore Al-shabaab ay dad shacab ah uga dhaceen duleedka tuulada Barwaaqo ee gobolka Gedo ayeey ciidamada amnigu gacanta kusoo dhigeen.

Ciidamada Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka oo arrintaan ka warhayay ayaa dagaal ay argagaxisada kula galeen deegaanno hoos yimaada Beled-xaawo waxey gacanta ku soo dhigeen gaarigaan oo maleeshiyada Al-shabaab in muddo ah ay ka heysteen dadki lahaa.

Gaariga ayaa marki laga dhacayay dadki lahaa wuxuu kusii jeeday magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo,waxaana maanta laamaha amnigu ku wareejiyeen dadki lahaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.