Wardheer oo laga bilaabay Badalida lacagata Cusub ee Itoobiya

wardheere

Gudoomiyaha maamulka Gobalka Doolo iyo mareeyaha Bangiga ganacsiga itoobiya qaybta wardheer ayaa siwada jir ah ugu daahfuray lacagatan gudaha Bangiga magaalada wardheer.Mudane C.shakuur Xaashi Cali Saafi Gud maamulka Gobalka Doolo oo kahadlay goobtaa ayaa sheegay inay kuwacyi galiyeen bulsha waynta lacagta labadalay haysata inay soo badashaan kahor inta uuna dhamaanin wakhtiga looqabtay in lagu soo badasho.

Gudoomiyu wuxuu intaas kudaray maanta in si rasmi ah Bangiga ganacsiga Itoobiya laanta wardheer kalaxidhiidhi karaan lacagta cusub.Maareeyaha Bangiga Ganacsiga Itoobiy laanta wardheer mudane Henok Daniel ayaa xusay inay soo gaadhay lacagta cusub bilaabayaana ugu adeegista Dadwaynaha.

Qaar kamid ah bulshada magaalada wardheer ayaa soodhawaysay lacagtan cusub ee soogaadhay magaalada wardheer waxayna xuseen inay lacagtoodii xaraysteen islamarkaana kala xidhiidhayaan lacagtan cusub bangiga Wardheer.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.