Ra’iisalwasaare Rooble oo sheegay inuu soo dhisaayo Dowlad Tayo leh

Rooble

Ra’iisul wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inuu soo dhisi doono xukumadda tayo leh  oo awood uleh dar dar gelinta howlaha hortabinta leh ee horyaala dowladda .

“Waxaan soo dhisi doonaan xukumadda tayo leh oo ka shaqeyn doonto howlaha hortabinta leh ee hortaayala xukumadda si aan ugaarno howlaha waa weyn oo ayn inanga sugayaan shacabka Soomaaliyeed .

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha dalka Mudane Maxamed Xuseen rooble ayaa xusay in uu soo magacaabi doono khabiir sharci oo baaris iyo dabagal ku sameeya tacadiyada jinsiga (kufsiga) ee lagula kaco haweenka iyo caruurta, isagoo kaashanaya hay’adaha caddaaladda dalka.

“Waxaan soo magacaabi doonaa khabiir sharci oo gaar ah oo xil weyn iska saara baarista iyo la dagaalanka tacadiyada Jinsiga (Kufsiga) ee lagula kaco haweenka iyo caruurta, si uu ugala shaqeeyo hay’adaha Cadaaladda iyo Garsoorka, waxaanu qaadi doonnaa tallaabo kasta oo ku habboon oo lagula dagaallamo fal- dambiyeedyada noocaas ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.