Ina Raggow “ Dumar ka maa dulmiga ka deysaan”!!!

Fatumayasiin

Si Allow ba dulmigu waa danbi, xag shareeco iyo mid sharci aadane dagsaday ba, marka dulmiga loo sii geesto inta tabarta daran ee bulshadu kumaba sii jirto.

Inkastoo bulsho ahaan soomaalidu ay u sameesan tahay bulsho, raggeedu uu dumarka xurmeen jiray walina xurmeeyo, hadana waayihii danbe waxaa soo kordhayay gabood fallo loo geesto dumarka mid yar iyo tu weyn intaba, kufsiga iyo xad gudubka jismo ha u bateen ficilada soo kordhay waayahan danbe.

Ma oran karo Ragga soomaalida oo dhan ayaa xun, se waxaad moodaa in kuwa xad gudubka dumarka sameenayo sharciyo adag oo ciqaabo aysan jirin, qaarkood xittaa xariga ma muteestaan oo badi xabsiga iyo gacanta ciidanka waxaa ka sii daaya odayo iyo ragg ku difaacidooda dulmiga ku garab istaaga, midaa ayaa sabab u noqotay in dhacdooyinka foosha xun dumarka ay la kulmaan waliba si is xig xiga waayahan danbe.

Mar walba dumarka waxay noqdeen beegsiga aan awood is difaacid laheyn, birima geydo ayaa la yiraahdaa, hadana mar walba oo dhib raggu dhexmaro, dhibtu iyaga ayey ku dhacdaa, kaba soo qaad in reero dagaalo dhex mareen, Ragga is laayay mid walba Hooyo, Gabadh la dhalatay, xaas uu qabay ama gabadh uu dhalay baa u baroorata “Oysa” sidaa bay dhibta ragga dhex marto marka ugu danbeeso ay qofka dumar ah u dareentaa, inkastoo taasi ay qabtay intii dalka uu burbursanaaba hadana waxay aheyd gabadha soomaalida ah mid si un ay xurmeeyaan ragga dhigeeda ah, waayahan danba se musiibo hor leh ayaa soo korodhay “KUFSI” mid weyn iyo mid yarba aan loo kala reebin.

Si saf mar ah ayaa marba gobol dhibta dumarka lagu hayo ay ka soo yeertaan waayahan danbe, cirif ilaa cirifka  kale baa af labadii dumarka ay ka wada dhawaaqeen, hor iyo horaanba kufsiga dumarka soomaaliyeed wuxuu ahaa mid dhici jiray, badi gooraha dagaaladu dhacaan baa mooryaanta qabaa’ilka oo hab qameeso ay dumarka fara xumeen kula kici jireen, sidaan way ka buuq yareed, se hada duni ilbaxday baa la joogaa, oo qofka si hoose loo qanjaruufto dhawaaqiisa dacalka kale ee dunida buu sahal ku gaaraa, taasi waxay sabab u noqotay in dumarka soomaaliyeed awood u yeeshaan soo gudbinta dhibka loo geestay ama bulshada qaarkeed ay kala kulmeen.

Sharci, ciqaabayo kufsadaha waddanka ma lahan, taasi si bay ugu sahashay in kuwa xurmada daran ay si habqan ah dumarka u fara xumeeyaan, ankee qaarkood ay dil iyo naf goyn ugu daraan, tusaale waxaa aheyd Caasho ilyaas aadan oo bartamihii 2019 Galkacyo lagu kufsaday, ilmo yar oo 11 jir ah bay aheyd, kufsi ka dibna waxaa loo dilay si bini’aadanimo xumo ah, ku darso kiiska ugu danbeeyay ee dhawaan isaguna xamar ka dhacay, Xamdi faarax lagu kufsaday, dabadeedna dabaqii Hotelka ahaa ee lagu kufsaday laga soo tuuray, taasi waxay ku tuseesaa in heerka kufsiga uu sii marayo ay tahay mid goyn nafeed wadata, hadii aan sharci adag oo ciqaabayo danbiilayaasha aan la helina uu noqon doono mid faraha ka sii baxa oo qatartiisu inta hada ay tahay ka sii badata.

Ina raggow, gabadh waa kula dhalatay, ku dhashay, kula ehel ah, kuu dhaxday ama kuu dhixi doonto, taasi waxay idinku waajib yeeleesaa in jiho walba ay idinka mudan yihiin dhowris iyo xaqsiin gaar ah, eeddu ma wada saari karo wiilashanada soomaaliyeed, hayeeshe waxaan leeyahay inta xun ee idinku dhex barxatay iska qabta, dumarkuna u hiiliya oo garab istaag dhab ah u muujiya.

Fatuma Yasin Omar “Shiino”

 Fatumayasin2019@gmail.comAttachments area

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.